DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha JFS Oo Amar Siiyay Hay’addaha Dowladda Iyo Kuwa Caalamiga

by nabad | Wednesday, Sep 11, 2019 | 9 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa xalay waxaa halkaas loogu sameeyay kulan soo dhaweyn ah.

Kulankaas ayaa waxaa siwada jir u soo qabanqaabiyay Bulshada ku dhaqan Xudur iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaanaa Ra’iisul Wasaare Kheyre uu Khudbad u jeediyay dadkii ku sugnaa Munaasabadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in kulan uu la qaatay Odayaasha dhaqanka Xudur ay ugu soo bandhigeen baahiyaha kala duwan ay qabaan,isla markaana u baahan yihiin in loo qabto adeegyo kala duwan oo nolosha Aasaasi u ah.

673698273037525

The post DHAGEYSO:-Ra’iisul Wasaaraha JFS Oo Amar Siiyay Hay’addaha Dowladda Iyo Kuwa Caalamiga appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response