Australia oo liiska Argagixisada kU dartay Daacishta Soomaaliya

by nabad | Wednesday, Sep 11, 2019 | 7 views

Dowladda Australia ayaa si rasmi ah u shaacisay in Ururka Daacish faraciisa Soomaaliya loo aqoonsaday argagixiso sidoo kalena uu qatar ku yahay amaanka dadka dalka Australia.

Agaasime ku xigeenka Hay’adda sirdoonka dalka Australia Heather Cook ayaa xukuumadda u gudbisay soo jeedin ay sameeyeen Guddiga sirdoonka ee dalka Australia.

Qoraalka ay Gudbiyeen Guddiga ee dowladda ogolaatay ayaa waxaa ku xusan in Dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ay xiriir la yeelan karaan  Daacishta Soomaaliya.

Waxyaabaha laga digay waxaa ka mid ah in ay geystaan Afduub una geystaan dad Reer Galbeed ah iyo kuwa u dhashay Australia.

Dowladda Australia ayaa sheegtay in Daacishta Soomaaliya ay aas aasantay shan sano ka hor islamarkaana weerarro ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayaa weerarro ka dhacay Dalka Australia waxaa geystay dad Soomaali ah,waxaana mas’uuliyadda weerarradaas sheegatay Kooxda Daacish.

The post Australia oo liiska Argagixisada kU dartay Daacishta Soomaaliya appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response