AKHRISO:- Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada

by nabad | Wednesday, Sep 11, 2019 | 9 views

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa goor dhow ku dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo la soo warinayo in goobo kala duwan ay ku dhaceen madaafiicda.

Illaa saddex Madfac ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen hareeraha Madaxtooyada, mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Safaaradda Itoobiya ku leedahay xeyndaabka Madaxtooyada.

Madfac kale ayaa ku dhacay halka lagu magacaabo Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio.

Sidoo kale Madfac kale ayaa ku dhacay Xaafada Caga Dhiig, madaafiicdan ayaa soo dhacay abaarihii xilligii salaaddii duhur, iyadoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

The post AKHRISO:- Madaafiic Hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response