SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo casho Sharaf u sameeyay bahda qalinleydii ka qaybgalay Carwada Buugaagta Muqdisho

by nabad | Sunday, Aug 25, 2019 | 21 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysan karaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka taariikheed ee ummadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka,dib u dhiska dalka iyo la shaqeynta dowladda

 

The post SAWIRRO:-Madaxweyne Farmaajo oo casho Sharaf u sameeyay bahda qalinleydii ka qaybgalay Carwada Buugaagta Muqdisho appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response