DAAWO:-Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Oo Muqdisho Soo Gaaray ayaa Shaaciyay In Qatar Ay Billaabayso Mashruuca Dhismaha Dekadda Hobyo

by nabad | Monday, Aug 19, 2019 | 30 views

Wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qayb ay ka ahaayeen Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Kulaka kadib, ayaa wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug.
Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee dekad loo dhiso, laga billaabo maantana laga howl gelayo qorshaha dhismaheeda, si shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka dekadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Maryam Aweys Jaamac ayaa caddeysay in billaabidda dhismaha dekadda Hobyo ay muhiim u tahay shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo horumairnta dhaqaalaha dalka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxa ay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo horumarineed oo ay kamid tahay dhismaha dekadda Hobyo, waxaana xilligaas wasiirka dekada Qatar, oo kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ballan qaaay in dowladda Qatar sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabeyso mashruuca dhismaha dekadda

The post DAAWO:-Wafdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Oo Muqdisho Soo Gaaray ayaa Shaaciyay In Qatar Ay Billaabayso Mashruuca Dhismaha Dekadda Hobyo appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response