SAWIRRO:-Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa

by nabad | Friday, Aug 16, 2019 | 5 views

Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kusoo saareen miinooyin dhowr ah oo lagu Aasay wadooyinka qaar e Gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu soo saaray ilaa Shan miino,kuwaas oo Al-Shabaab ay ku Aaseen wadada u dhaxeysa deegaannada Bangeeni iyo Koban oo ah Aaga degmada Jamaame halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Saraakiishu masheegin in wax dad ah lagu soo qabtay howlgalkaas, hayeeshee waxaa ay sheegeen in uu weli socdaan howlgallo kale oo ka dhan ah Al-Shabaab,isla markaana lagu doonayo in deegaannada ay heystaan Al-Shabaab looga saaro.

Inta badan deegaannada iyo degmooyinka Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ah,kuwaas oo lala eegtay Gaadiidka Ciidamada Dowladda, kuwa Jubbaland iyo AMISOM, iyada oo mas’uuliyada qaraxyadaas ay sheegtaan Al-Shabaab.

The post SAWIRRO:-Ciidamada Ammaanka Jubbaland oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response