DAAWO:- Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo booqday xarunta doorashada Jubbaland

by nabad | Saturday, Aug 10, 2019 | 13 views

Saraakiill ka tirsan ciidamada Booliiska AMISOM oo ay wehelinayaan Booliska Jubbaland ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimo ee Jubbaland.

Ujeedada booqashada xaruntan ayaa lagu sheegay inay ahayd sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa ammaanka xarunta la filayo inay ka dhacdo doorashada.

Saraakiisha Booliska AMISOM ayaa kulan la yeeshay Taliska Ciidanka Booliska Jubbaland iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa sugida nabadgalyada Doorashooyinka Jubbaland.

The post DAAWO:- Saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM oo booqday xarunta doorashada Jubbaland appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response