SAWIRRO:-Wasiir Goodax oo kormeeray halka ay ka socoto diyaarinta natiijada Imtixaanaadka

by nabad | Thursday, Jul 11, 2019 | 3 views

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre ,ayaa Maanta kormeer ku tagay  xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii Wasaaradda waxbarashada ay qaadday Sannad Dugsiyeedka 2018/2019 oo shaqaalaha wasaaraddu ay ku howlanyihiin dardargelinta dhameystirka xareynta xogta imtixaanka la saxay.

Wasiirka Waxbarashada , Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee wasaaradda ka dhageystay warbixin ku aadan  halka uu marayo dhameystirka howlaha imtixaanka.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ayaa mid mid u dul istaagay shaqaalaha qaabilsan dhameystirka Imtixaanka waxa uuna ka wareystay habka uu u socdo howlaha imtixaanka.

“Waxaan maanta kormeeray xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii la qaaday ee sannad dugsiyeedka 2018/2019 oo ay shaqaalaha wasaaraddu si habsami leh u wadaan dardargelinta shaqadii loo idmaday.

Sixidda Imtixaanka ayuu sheegay in uu soo maray wajiyo badan, isla markaana hadda uu taagan yahay heerkiisa gaba-gabada oo ah xareynta Imtixaanka la saxay, isagoo intaa raaciyay in dhowaan la shaacin doono natiijada.

The post SAWIRRO:-Wasiir Goodax oo kormeeray halka ay ka socoto diyaarinta natiijada Imtixaanaadka appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response