Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS

by nabad | Wednesday, May 15, 2019 | 54 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u adeegidda dalka iyo dadka.

The post Madaxweyne Farmaajo oo Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JFS appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response