AKHRISO:- Xisbiyada Siyasadeed ee dalka oo Bayaan soo saaray

by nabad | Wednesday, May 15, 2019 | 49 views

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen xisbiyada dalka ka jira arkood sida; Ilays, UPD, Wadajir, NDP iyo NPP ayaa waxay kaga hadleen aratidooda ku aadan doorashooyinka dalka ka dhicaya, iyagoo soo jeediyay doorashadu inay noqoto mid qof iyo cod ah.

Xisbiyadan, ayaa si fog uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku uu xilligan ku jiro, waxayna si gaar ah ugu kuur-galeen doorashooyinka 2020-ka ka dhici doona Somalia.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada ay noqoto qof iyo cod, isla markaana leh deegaan doorasho qayaxan oo ku saleysan nidaamka axsaabta iyo saami qaybsiga matalaad isku dheelli-tiran.

Waxay kaloo sheegeen in baarlamaanka 10-aad ee hadda jira uu waqtigiisa ku eg-yahay 26-ka bisha December ee 2020-ka, xilligaasna ay sharci ahaan ku asteysan tahay xilli lama dhaafaan oo ah inay soo dhameystiranto doorashada wakiilada shacabka iyo wakiilada Dowladaha xubnaha ka ah DF.

Dhanka kale, Xisbiyadu waxay walaac ka muujiyeen in Dowladda hadda jirta ay sameysato muddo kororsi, waxaa kaloo sharciga doorashooyinka ee ay dhawaan ansixisay dowladda uu noqdo sharci wadar ogol ah, lagana talo geliyay qaybaha bulshada iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira.

Haddaba, AKHRISO: Bayaanka ay soo saareen Xisbiyada dalka ka jira Qaarkood

The post AKHRISO:- Xisbiyada Siyasadeed ee dalka oo Bayaan soo saaray appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response