AKHRISO:- Madaxtooyada Kenya oo jawaab ka bixisay in la waayay Madaxweyne Uhuru Kenyata

by nabad | Monday, May 13, 2019 | 27 views

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Baraha bulshada lagu faafinayey in la waayey Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata,waxaana dadka reer Kenya qaarkood ay baadi goobayeen,hayeeshee maalmo kadib waxaa ka jawaabay xafiiska Madaxtooyada Kenya.

Afhayeenka madaxweynaha Kanze Dena oo Twitterro badan soo qortay ayaa sheegtay in ay la yaabtay qaar ka mid ah Twitter-rada la soo qorayo, isla markaasna uu madaxweyne Kenyatta joogo isla markaasna uu shaqaynayo.

Dadka Twitter-ka ku baadi goobayay Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa ay sheegeen inay ugu war dambeysay 23-kii Bishaan oo ay ku ogaayeen dalka Shiinaha,isaga oo raadinayay lacag deyn ah oo lagu dhiso qadtareen.

The post AKHRISO:- Madaxtooyada Kenya oo jawaab ka bixisay in la waayay Madaxweyne Uhuru Kenyata appeared first on Allgalgaduud.Com.

Like it? Share it!

Leave A Response